SUUGAAN

HEESTA CUSUB EE GALMUDUG Qarandoon.NET

abwaan maxamed ibrahim warsame(hadraawi)

abwaan maxamed ibrahim warsame (hadraawi) News

  

Waa maanso cusub oo la magac baxday “Mayal-dheer” oo uu curiyey abwaanka caanka ka ah dhulka Somalidu degto Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Ka bogo!

Waa maanso aan odhan karo waa dacwad dadka lagu xusuusinayo aakhiro oo qiimo aad u balaadhan xanbaarsan, waxaanay ka turjumaysaa sida uu Mujaahid Hadraawi uga qayb qaadanayo wacyi-galinta ummada Islaamka ah gaar ahaan kuwa ku hadla afka Somaliga. Waxa kale oo ay wacyi-galin ka tahay bahalka dhibka badan ku haya Somalida ee loo yaqaano qaadka iyo sida loo dayacay xaasaskii laga masuulka ahaa.

Maansadina waa tan ee u dhugma yeesha. Waxna ha lagu qaato.

Noloshu waa madawdahay
Marin seegan baa yaal
Mahadhooyin baa yaal
Iyo maado farabadan
Maya iyo mayaa taal
Maya iyo wir baa taal
Muruq iyo car baa taal
Mukur iyo qab baa yaal
Ismaroorin baa taal
Makri iyo dhac baa yaal
Mixnad iyo shil baa yaal
Makal iyo dil baa yaal
Mallaf iyo dulmaa yaal
Madfac iyo hub baa yaal
Dhagar iyo mir baa taal
Maryo dhiig leh baa yaal
Midib iyo xin baa yaal
Marre iyo fal baa yaal
Musuqmaasuq baa yaal
Marag beena baa yaal
Macsi iyo kufraa yaal
Dhir la muudsadaa taal
Shar la miisto baa yaal

Macaluul cas baa taal
Jahli macalinaa yaal
Dadku inay masoobaan
Maskax diidan baa taal
Maya dhago la’ baa taal
Wixii maal la dhaqan jiray
Murugay la tuban tahay
Dhirtu wayska mudantahay
Mar maroorku farabaday
Laga furey marriinkii
Ubixiyo magoolkii
Allaylehe marduufkii
Cunay maahirtaydii
Iyo may cas-kaygii
Macal iyo wankii raas
Iyo maydalkii raan
Qudhac iyo maraagii
Milliqsuu ku shidayaa
Cirka mooyi waxa jira
Mayaygiyo gudgudihii
Meexaanihii daa.
Dadku waxay ka maydheen
Madadkiyo hufnaantii
Milgihii dalaysnaa
Malmalbay u shidayaan
Ninka maratidiisii
Culustiyo min-weyntii
Mijin bay gadaysaa
Isna miiladiisii
Merfesh buu la joogaa
Makastiyo haweenkii
Milic bay hadhsanayaan
Mugdi bay ifsanayaan
Ragna maah ka badin waa
Iyo meheradii jaan
Ku masuug xilkiisii
Murti iyo hal hays iyo
Maahmaahihii daa
Marka uu had iyo jeer
Ku mergado su’aalaha
Dadku ay maldahayaan
Marmarsiiyo doondoon
Dayaxiyo maluugaha
Masanuun ku faalee
Hadba gaajo fara madhan
Markab luula waydii
La fogaa mirqaankii
Talo waysla maqantahay
Rabina tiisu waa meel
Waxay meeris fagantaba
Waxay meysi ruqantaba
Waxay mooro dumisaba
Waxay moysin debecdaba
Waxay muunad rogantaba
Waxay sii maldahantaba
Waxay sii murmurugtaba
Waxay sii murkacantaba
Waxay qooq makalantaba
Waxay maag ku dhimataba
Waxay miino jarataba
Waxay muumin qalataba
Waxay meyd ku orisaba
Waxay mawd ku durugtaba
Miyirkay xasaysee
Hadaan maanku soo noqon
Mucjisaa sugaysee
Ninka mooganaantaas
Ku xasila ismoodsiis
Malihiisu waa been
Inta maalin baqasho leh
Ta u maan gilgilid badan
Muddadeeda shiranta ah
Mayalkeeda dhaadheer
Manjo-daalay fuliyaan
Allaheedu madal yahay
Nin maqnaaba sugi jiray
Oo markhaatigeedii
Mursalkiyo rasuulkii
Mahad loogu gogol dhigay
Dayaxeeda muuqdaa
Nebi muxamed sii yahay
Marinada la kala xigo
Labadeeda kala mudan
Ninka muumin sheegtaa
Dhanka midig ku sugan yahay
Iyadoo malcuunkii
Todobaatan midab lihi
Macna yare la odhan jiray
Murtad iyo dhal shaydaan
Iyo mukhawiyiintii
Dhanka bidix u meersaday
Madal laysu soo baxay
Warba mooyi laga yahay
Mahadhiyo ladh toosiyo
Waxa maangad dhacayaa
Miyir doorsan dhaliyeen
Mahwi aan la kala hoyan
Milic aan hadh laga galin
Maro iyo kab loo sedan
Mucsur lagu quturanyahay
Sida mallow usoo baxay
Maqrib dumay dhir maygaag
Naxdin lala madow yahay
Ishu dhiilo mudan tahay
Wajigeedu Milan yahay
Marwo iyo dhabeel iyo
Laga yimi miyaradii
Iyo mudanayaashii
Marta loo furfuri jiray
Mindi iyo tolaaydii
Iyo muusanawgii
Mirta looga kici jiray
Ma dhantahay docdoodii
Mahuraanku kala naxo
Rag ninkii wax miran jiray
Miismiisan jiray ciin
Iyo mur iyo deebaaq
Muhashadu u baaqayn
Dhal magaalo kulushahay
Mallayada naftiisa ah
Magac iyo hankiisii
Nina maal ku furanayn
Qofba meel ku luran yahay
Kashu maayad ruxantahay
Marmaroortu lurantahay
Garashadu muduci tahay
Runtu soo mutuxan tahay
Nin muraad ka xidhanyahay
Maxarashoonku sugayaa
Danta waw min tiriyaa
Muslinow dharaartaas
Amarkiyo mug-weynta ah
Nina malab ka dhabaqsaday
Nina dacar ka muudsaday
Maqal yaanay kugu noqon
Ha lumin muftaaxii
Furi-jiray martabadaha
Mahadoodu badan tahay
Naftu macandi weeyee
Male hawgu sahan tegin
Ha ku daalin meermeer
Waligaa ha muunayn
Madhantiyo xagxagatada
Jinka ha u muraad qumin
Yaan masuuga shaydaan
Milicsiga aduunkiyo
Madadaalo kugu hodin
Noloshana kas iyo maan
Miyir sugan ku doondoon
Muslinow ha xaalayn
In munaafaq jecel yahay
Haysku milin shar iyo khayr
Midabad iska ogow
Lagu naco masuuskiyo
Qofka geed ismariska ah
Hana noqon mashkadahaa
Xanankiyo maduunka ah
Midho geed ku wada yaal
Madi iyo magayno ah
Ha ku ridin ismaandhaaf
Madax iyo minjaa sida
Madmadaw ha kala galin
Maxastaada waligaa
Mijin hawga roonaan
Mitid noqo abaabulan
Iyo lagama maarmaan
Marwadiisu jeceshahay
Ubadkiisu meel dheer
Uga soo mashxaradaan
Majaraa ha sii dayn
Rabbi loogu maqan yahay
Inaad muuqa qudha tahay
Mahad inaad ku nooshahay
Labadaasna kala miyo.

Dhamaad

GABAYO BADAN

 Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayada ugu caansan gabayada Cilmi Boodhari. Gabaygan wuxuu marka hore Cilmi ugu jawaabayaa dadkii Cilmi caashaqa kula yaabsanaa. Wuxuuna u sheegayaa caashaqu in aanu layaab lahayn ee yahay wax caadi ah oo Ilaahay aadmiga ku abuuray weligiina uu soo jirey. Dadkana waxa lab iyo dhedig looga dhigay inay is cajebiyaan. Marka xigtana wuxuu dadkan la yaabsan ku lahaa muu gabadhan yar iska ilaawo oo mid kale meelahaa u doonto, in aanay arintu sidaa u sahlaneyn. Wuxuuna u sheegayaa in aanu iska saari karayn caashaqan ku habsadey Ilaahay oo ka saara mooyeene. Waxuu leeyahay wax kastana sameeyey oo wax aan ku bugsado oo iga saara ma hayo, xataa wadaadadii ayaa iga saari kari waayey. Cilmi wuxuu leeyahay waxa keliya ee dawada ii ahi waa anigoo Hodan hela, xaalka aan maanta ku jirona waxaa ka roon anigoo dhinta. WAA KAN GABAYGII CAASHAQ Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye Caruurtay sideen meesha iyo Ciise nebigiiye Cidla lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe Waxa caynba cayn looga dhigay hays cajebiyeene Soomaalidaa caado xune iguma caydeene Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye Kuwii ii calaacalayeybaan camal tusaalayne Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya Curuuqdiyo maxaa kala dhex geli cadaha hoostooda Ma cidaamkanaan jebinayaa cunaya dhuuxooda Inaanse cadaydo mooyee waxaan calaalsho lay diidye Caqliga yaa ka bi’in tuu Ilaah ku circadaayeeyey Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey Muga inaan cadaadaabaan ka biqi Canab daraadeede Cududuhu ma naaxaan haddaan caafimaad jirine Casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye Cilmi iyo daawoba doontay oo waayay cilinkiiye Inaan kaa calool go’ay naftay caymisoo ogiye Jeeraan Canabeey ku helo caafimaad dhimaye Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye Ilayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay. Cilmi Ismaaciil wuxuu gabaygan kaga cabanayaa dhalinyaradii ay isku beesha ahaayeen. Cilmi wuxuu u sheegayaa nimankaas in xaalkiisu uu aad u xun yahay, habeeniyo iyo maalina uu feker iyo walaac ku jiro. Wuxuu isku metelayaa sidii qaalin (neef geel ah oo yar) oo uu cudurka dhugatada la yidhaahdaa ku dhacay oo geelii gaadhi waayey xanuun dartii oo iska daba luudaya. Wuxuu leeyahay cidna ma raaco oo cidladaan keligey wareegaaleysanayaa halkii aad ii arxami lahaydeen ee aad wuxuun igula daali lahaydeen ayaabad igu cayaarayesaan oo iga riwaayadeysanaysaan ,,,,,,,,,,,, WAA KAN GABAYGII (DHADHAB) cajaayib!Nimanyahow dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye Dhulkuun baan xarriiqaa siday dhiillo ii timide Sida qaalin dhugatoobayoo geelii wada dhaafay Dhallinyaro ma raacee kalaan dhaxanta meeraaye Dhaqtarkaa la geeyaa ninkii dhaawac wayn qaba e Iyana waygu dheeldheelayaan dhamacda Daa’uude Gabaygan waa gabay fariin ah oo Cilmi u dhiibay nin ay ilmo adeer ahaayeen u socday magaalada Berbera oo ay joogtay gabadhii uu jeclaa Hodon Cabdi Walanwal. Cilmi waqtigaas wuxuu joogaty miyiga iyo Hawd. Wuxuu gabayga ku bilaabayaa duco uu ninka fariinta qaadaya u ducaynayo dabeedna wuxuu muujinayaa sida aanu habaynkii u seexan ee uu weli Hodan xageeda usoo hanqal taagayo. Wuxuu leeyhay waxaad ku tidhaahdaa hadaad is leedahay Cilmi wuu ku ilaawey ama wuu kaa hadhay, in arainku aanu caynkaas ahayn gabadh kale oon la shakeekaystaana ay iga reebban tahay. Ugu danbayntii wuxuu odhanayaa haddii aan caano geel kuugu sii dhiibi lahaa oo hadiyad aahaan ugu diri lahaa, kulaylkaa leefaya oo intaad jidka kusii jirtaabay xumaanayaan ee talow maxaan inantii Hodan kuugu dhiibaa? WAA KAN GABAYGII (HILAAC) Wuxuu yidhi:Ina adeer hagaagtaye hadaad hilinka sii qaado Hantaq iyo Illaah kuguma rido hagabyadii Shiikhe Mid hubsiimo badan baad tahoo halo la siiyaaye Adigaan halyay kuu gartiyo huritii Daa’uude Hilaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye Hurdadana habeenkii ma lado had iyo waagiiye Sida hoorimaad baa qalbigu ii hanqanayaaye Waxaa lay horjoogaa sidii horadhacii geele Inaan haybsigeed dhigay haday Hodan i moodayso Gabadh kalaan haasaawiyaa wayga haniyaade Hadaan hadiyad caano ugu diro hoohigaa gubiye Maxaan kula hagaagaa yartii way hanwayntahaye Lycos Gabaygan waxaa la sheegay in Cilmi tiriyey ka dib markii gabdho aad iyo aad uga damqaday dhibka Cilmi haysta iyo sida maalinba maalinta ka danabaysa ay dhibaatadu ugu sii waynaanayso Hodanna ay adag tahay siduu u helaa, ayaa waxay u yeedheen Cilmi waxayna u sheegeen inay jecel yihiin inay wax la qabtaan. Balse nasiib daro meel qalad ah ayey doonayeen inay wax ka qabtaan iyagoo Cilmi u sheegay in gabadh allaale gabadhii kale ee uu doonayo ay u keeni doonaan. Nin meeli u cadahay meeli ka madowe Cilmi mid ayuunbaa laabtiisa degtey, laabina laba u la’. Markaa Cilmi gabdhihii tixdan yar ee gaaban ayuu ugu jawaabay. Wuxuu yidhi: WAA KAN GABAYGII (LAACDAN) Luqun madoobe awrkuba kolkuu laacdan baranaayo Isagaa u laakima badnaa laqanka xoolaaye Hadba qaalmo laacdana wuxuu luqun jibaadhaaba Lix intaanu jirin hadduu laacib ku ahaado Lama loodin karo jeeray liicdo bowdaduye Anna laabta kama gooynin caashaqii ladane Luxudkaan la gelayaa sidaa igaga liil dheere Midnaay hays ku kay lurin qalbigu laba jeclaan waaye Gabaygani wuxuu Cilmi kaga hadlayaa sida uu had iyo jeer hurdo iyo soojeedba uu ugu dhadhabayo Hodan ee ugu hamiyayo iyo sida uu uga fekerayo ee ugu mashquulsan yahay mustqabalkooda iyo sidii reer lagu nasto oo lagu negaado ay udubka ugu taagi lahaayeen. Cilmi wuxuu leeyhay markaan arimahaa qaadaa dhigayo een ka hindisoonayo dadku waxay moodaan inaan waalanahay oo maryihii dhigay. Cilmi wuxuu leeyhay la yaab malaha dadkaasi oo waxaanay ka warqabin dhibaatooyinka jacaylku leeyhay. Markaa ka dib wuxuu Cilmi ka hadlayaa jacaylka uu Hodan u hayo iyo nin waliba tii uu caashaqo mooyaane aan mid kale loo soo marsiinayn isagana tiisii Hodan tahay waxa dunida gabadh joogtana uu ka doortay. Wuxuu si gaar ah u sheegsheegayaa quruxda Ilaahay Hodan ku mannaystey iyo sida ay u dhamays tiran tahay ee aanay u kala dhinayn. Wuxuu gabaygii ku bilaabay: Gabaygii (Hogol) Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye Hadii aanan kulahayn yartaay kuma haleeleene Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma horjoogeene Hal abuurka kuumaan tirsheen heesta caashaqa e Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga Hareertayda ood joogtidbaan ku hami qaataaye Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye Markaan keligey haasaawayee aan islahadlaayo Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugeygiiye Hadaaqay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne Haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale Inta uu hadhuudhlaha kudaray ama hed soo gooyey hal-hal tirada waan lagu heleyn taniyo Haabiile Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye Imikuu u hees yidhi gabdhaa taan hanteen rabaye Aniguna hensii kaama lumin u halgankiisiiye Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane Waa waxan hirdoogliyo caleen ugu horseedaaye Hablahoo dhan keligaa yartaay hibeda laysaarye ———————————————— Sida hogol kaliishii da’doo milicdu ay hayso Ama lebiga Hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey Oo haadku dhaafoo shimbiro cimilo goor heesa Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye Anna xiisahaan kuu yahaa kaba hanaan dheere Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye Oon heer-kastay qurux katahay hawlin taa kale e Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale Qaar buu gabdhaa hilibku iyo hugu cusleeyaaye Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawr-jeere Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya Ilko aan hoggoodii ka lumin kalana hoosaynin Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyed loo siiyey Dhabannada hareeraha wejiga halalac nuuraaya Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye Luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisay Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin Hannaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleen Gobonimo haddii laga hadlana waa hirsood runa he Hoo iyo waxsiin waxa ka roon haab garaab qaba e Adiguna hantiday oo caqligu waa hub kuu dihine Hadaaqaba ma dhaameen haddaan hadalku toosnayne Hayeeshee warkaad hurin taqaan haa adoon odhane Mar hadaad hufnaan gees kastaba aad ka hanaqaaday Adigey hibaaqeey naftani heegan kuu tahaye Adaan hiirta waaberi dartaa habataq luudaaye Hanfigiyo kulayl-kiyo haddaan halowga soo jiidho Oo aanan haabkiyo dhabtiyo laabta kugu haynin Ma’haraado oonoo biyaha hoos uma dayo e Haamadayga dhaxanta cabaar hooy kama galo e Hawlaha dalkeygiyo xilkaan baaye hananaayey ku habsaamay taadii markaan taydi hoos dhigaye Magaalada hareertaad ka taal eed u hoyonayso Inaan helo haddii aan yartaay haabka aan geliyo Aaweey hubqaad wacan anaan hadal cid weydiinin Hillaacaan sidiisii maraa hagida aad taale Haatufkaan sidiisii walaal ku hor imaadaaye Haddii aan heddeen gelin intaan dunida hoos joogno Inaan kaa hawoodaa marnaba waa habeen tegeye Hayeeshee Illaah baa hayoo calaf ku hoos yaale Haddaan Eebe hoo odhan wuxuu u hunguroonaayo Qofna abid ma soo helo wuxuu haari ku ahaaye Haddii aynu kala haayirnoo laysu hiran waayo Oo aan Hibaaqeey nasiib adiga ii haynin Nacas hayle-foosh iyo qorqode garan hagaaggaaga Midaan ku hidda-raacayn asaan haybed kugu beerin Urdun xumaha hanfiif-sada kolkay hawli soconayso Haddii talada aan hayn lahaa kuma horgeeyeene Waxba yaanan sii hadaltiyeyn hadalka qaarkiiye Ihaleel jacaylkii intuu soo hamaansadaye Heensiyo hubkaa laba dhacuu igu hogaanshaaye Hayin aan biyaha daadin iyo igadhig hawlmooge Dhulka meesha Hodaniyo nimcada igu aghaynwaaye Hogob laga hayaamiyo cidluu ila hadaafaaye Hiil qodaxle iyo jeerin buu igu hagaajaaye Waxaan hadimo soo maray waxaan halowyo soo meeray Hohi cabasho weeyee mar qudha hiiftan maan odhane Halbawlahaad i heertiyo lafahan hilibku naafoobey Nabaradan bog hoosiyo wadnahan halac ka oogaaya Haddii aan ku helileey bogsoon haarta qoomaniye Waa hubaale hays odhan wax buu kuu hadoodilaye Waa hadal nin waayeeli yidhi hiila kaa raba e Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu harraad qabaye Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu hadfee lumaye Waa hadal ka soo baxay ninkaa soo hiloow ku lehe Waa hadal qofkii la hordhigaa oohin hoorsadaye Waa hadal qofkaan caashaq helin hawlyaraan la’ahe Waa hadal markaan kugu hamiyey aan higaad qoraye Waa hadal wax badan baan habraye uurku hayn karine Waa hadal halkaad igaga taal hoo ogoow ku lehe Waa hadal hayii kugu lalabay soo halaan-halaye Caashaqa hareertaada qabo hubiyey kaygiiye

Jacayl Dhiig Ma Lagu Qoray Maxamed IbraahimWarsame(hadraawi)

 

  weli dhuux ma loo shubay

 Jacayl dhiig ma lagu qoray

 

 qofna saanta dhabarkiyo

 ma u dheegey feedhaha

 dhabanada cad laga jaray

 hadalkii ma lagu dhigay

 xinjir aan is dhalan rogin

 midabkeedu dhiin yahay

 laga dhuray halbowlaha

 weli dhiil ma lagu shubay

 laba mays dhansiiyeen

 sida dhayda xoolaha

 dhag dhag maw wadaageen.

 Weli laba is dhaarsaday

 beryo dhacan nasiib iyo

 dhul ku kala cillaalaa

 subax dharabku kowsadey

 dhedaduna cuddoon tahay

 cidla aan dhir mooyee

 wax dhaqaaqayaa jirin

 jabaq maysku dhaadeen.

 Kulankii dhabta ahaa

 riyo dhiifi keentiyo

 dhalanteed ma moodeen

 sida ay dhadhabayaan

 dhawr jeer ma seleleen

 af dhabaan dhab jamashada

 ma ka dhoofay hadalkii

 bal dhaqaaq na kay tahay

 dhihidii ma waayeen

 ma ka dhabaqday xaajadu

 Ilma dhalatay xiisuhu

 sida dhibic ma hiigaan

 ma ka qubatay dhaayaha

 ma ku qoyey dharkoodii

 naxariis ma dhidideen

 Iyagoo dhanqalankii

 dheel dheelli mooyee

 dhegna aanay kaga jirin

 kolba erey dhex roorkiyo

 dhumucdii ka maqantahay

 dhitinaaye keligii

 ka dib tooban dharaarood

 carrabkiyo dhanxanagii

 dhirindhirid ma ku heleen

 Laba guul u dhalatoo

 isu dhiganta weeyee

 dabadeed dhabeeshii

 hanadkii ku dheeraa

 dhudi mays bariidsheen

 dhubbad qaadka sheekada

 qofba dhagarta caashaqa

 wixii dhaaxo soo maray

 ma dhex galay kalkiisii

 ma akhriyey dhambaalkii

 warka maysu dhiibeen.

 Kalgacayl dhito ahaa

 dhamac iyo dab huriyeen

 dhuxuliyo ladh soo kacay

 hadba dhoon ma buuxsheen

 kolba dhacan ma jiideen

 dhacdadiyo u jeedada

 qofba dhaadashada guud

 qofka kale dhankiisii

 inaan looga soo dhicin

 ma ku dhaabadeeyeen

 sannad mays dhegeysteen

 Ma dhammaaday hadalkii

 gelin mays ku dhaacdeed

 dhaygag iyo dareen shidan

 gabbalkii ma ugu dhacay

 ma dhaxeen habeenkaas

 sida dhaan ma guuleen

 dhaxantiyo mugdiga jira

 dhabatada xanuunka leh

 ma u dhabar adaygeen.

 Ma dhalaalay waagii

 dhag ma tidhi cadceedii

 intay soo dhaqaaqeen

 iyagoon ka dheeraan

 dhaqankiyo xishoodkii

 dhaymana u jeel qaba

 iyadoo dhexdoodii

 dhulka suxul banana yahay

 dhibta maysla taageen

 wax intaa ka sii dhow

 ma ku dhiiran waayeen

 dhayal laysu taabtiyo

 dhallinyaro habkeedii

 ma ka dhega adaygeen

 dhadhansiga miliilica

 isha mayska dhawreen.

 Dhabbaday is taageen

 qofba dhaabaddiisii

 sara joog dhankiisii

 kun habeen ma dhererraa!.

 Dhudhummada aboorkii

 dhulka hoose kaga baxay

 dhilashada jidhkoodii

 ma dhanbalay sartii guud

 ma dhammeeyey hilibkii

 xidididada ma dhaawacay

 ma u dhaafay seedaha

 lafta hoose maw dhacay.

 Dhiilluu ku geliyaa

 ama waad dhalliishaa

 dhagartiyo wedkaagee

 dhimashada kal iyo laab

 ma ku soo dhaweeyeen

 dhoollaha ma ka qosleen.

 Ubax dheelka subaxdii

 naxariis ku dhaashtoo

 afka dhiin cas mariyoo

 dhaddigiyo labkisii

 laba dhude isugu maran

 ma is dhaafsadeenoo

 dhaxal maysu siiyeen

 dhuuni kawlka caashaqa

 maysu sii dhadhamiyeen

 ereygii dhinaa hadal

 dhegta maysu saareen.

 Dhafan dhaaf aboorkii

 ma dhufsaday cammuudii

 ma u qaatay dhoobada

 dhab-dhabkiyo kabkabidii

 labadaba ma dhalan rogey

 dhismo kale ma soo baxay

 ma ka dhigay wax yaabliyo

 dudun dherer ku caanoo

 dhumuc iyo laxaad weyn.

 Dhalan dhoolka maantii

 dadku dhacarta jiilaal

 ma dhasaday dharaartii

 ma ka dheelmay galabtii

 iyadoon la dhaadayn

 sheekada dhabteediyo

 dhabar weyntan hooska leh

 indhexdeeda laba ruux

 runta kaga dhur sugayaan.

 Haddaan laysu dhamanayn

 nafta laysu dhiibayn

 ama dhaxal tis qaadiyo

 dhismo aqal la taagiyo

 ubad iyo dhaqaaliyo

 dhaqan reer la kala sugin

 dhunkashiyo u jeedadu

 tahay dhaayo guudkood

 waabay la dhabaqsado

 dhereg iyo markaas qudha

 ama sida dhurwaayada

 hilbo gabadh dheg roonoo

 higlo loogu dhuuntoo

 dhakhso loogu kala baxo

 ninba waxa dhabbacashada

 dabinkiisa ugu dhaca

 dhidar iyo xabaashii

 sharaf lagu dhabcaaliyo

 shawrsooni laga tegey

 shalanteedka beenta ah

 bulshadaa u dhaawacan!

 Hab jacayl u dhaqan galo

 ma holladay ka ugu dheer

 maamuusna ugu dhow

 mise weli wax baa dhiman

  1. Leave a comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: