jacaylka

Saturday, August 7th, 2010 posto by xanafi

Dooda jacaylka

Maadaama ay jiraan akhristayaal badan oo ku xiriirsan Ladaneey, joogana meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah ayaa waxa ay na soo waydiiyaan talooyin. Talooyinka oo aanu uga jawaabno sida ugu wanaagsan ee aan u aragno in akhristaha su’aasha leh  uu ku faa’iidayo. Talooyinka ayaa waxa aan kala tashanaa aqoonyahano khibrad u leh su’aalaha nala soo waydiiyo.

Hadaba dooda jacaylka ayaa ah mid aan u aragnay in ay firkadahooda ka soo dhiibtaan sidii ay u caawin lahaayeen gabadh na soo waydiisay talo.

Gabadha ayaa waxa ay u baahan tahay sidii looga caawin lahaa in ay kala doorato laba wiil. Labada wiill ayaa mid waliba waxa uu u sheegay gabadha in uu jecel yahay. Wiil kastana waxa uu u soo bandhigay inta uu leegyahay jacaylka uu u qabo gabadhan.

Wiilka kowaad ayaa waxa uu ku yiri gabadha, ” Waan ku jeclahay sababtoo ah waan kuu dhimanayaa”.
Willka labaad ayaa waxa uu ku yidhi gabadha, “Waan kuu dhimanayaa sabatoo ah waan ku jeclahay”

Gabadha ayaa kala saari wayday labada wiil ka ay u malaynayso in uu aad u jecel yahay.

Aanaga oo u aragnay in ay tahay arin aad u adag ayaa waxa aan u soo bandhigaynaa akhristayaasha Ladaneey in ay nagala qayb qaataan sidii aan gabadhan u caawin lahayn.

Hadaba wiilkee ayaad u malaynaysaan in uu gabadha aad u jecel yahay? Iyo sababta aad u malaynaysaan inn uu yahay ka sida dhabta ah u jecel?

Ka dhiibo rayigaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartaan fikirkiina!

Saturday, August 7th, 2010

5 arimood ha kudhihin lamaanahaaga

Hore ayay soomaalidu u tiri, “nin iyo naag colna maaha nabadna maaha”  taas oo aan u soo kordhinayn qoyska wax faa’iido ah. Waxa ka haboon in lamaanuhu is ixtiraamaan, is caawiyaan, is aaminaan oo is xanaaneeyaan. Waxa kale oo muhiim ah in uu mid kastaa ka fikiro waxa uu  ku dhahayo lamaanahiisa. Waxa jira erayo ama hadal duminaya reerka dhisan. Hadalkaas oo marnaba u fiicnayn jacaylka ka dhex jira labada nolosha wadaagaya.
Waxa khuburada ku takhasusay guurka ee la yiraa Charles iyo Elizabeth Schmithz, qorayna buuga “Building a love that lasts.” ay dhawaan ku qoreen maqaal shabakada Psychologytoday,com. Maqaalkaas oo uu nuxurkiisu ahaa in lamaanuhu ogaadaan in sida ay ugu wanaagsan tahay qoyska in si wanaagsan la isula hadlaa ay ayaduna u fiican tahay qoyska in aan si xun la isluu hadal

Hadba waxa Ladaneey idiin soo bandhigaysaa 5 arimood ee si fudud u jabin kara xiriirka lamaanaha. Kuwaas oo kala ah:

1 – Waa qaladkaaga
Adiga oo markasta qaladka kor ka saara lamaanahaaga ayaa waxa ay dhalinaysaa in aad kala fogaataan iyo is aaminid la’aan. Kuna bedela taas idinka oo isu soo dhawaada oo noqda sidii koox oo kale.

2 – Maxaad markasta sidaa u samaysaa
Adiga oo markasta fiirinaya meesha uu ka liito lamaanahaagu kor uma qaadayso xiriirkiina. Ama adiga ha ahaato ama ayada ha ahaato,e waxa qofka markasta sidaas loola hadlaa dareemayaa in laga dabashaqaynayo oo waxa sii badanaya qaladkiisa. Iskuna daya in aad kor u sii qaadaan waxa uu ku fiican yahay mid kasta.

3 – Miyaanan sidaas hore kuugu sheegin
Ha ka sii xanaajin lamaanahaaga aad hore isu qabateen, qalad kaa tirsanaya ama aad hore u canaanatay. Markaa waxa haboon in aanad tusin in aad arintaa meesha taala aad adigu ku saxsanayd.

4 – Ha ka codsan in uu kuu sheego talo hadana ha samayn wax ka soo horjeeda talada
Arintani waxa ay ku salaysan tahay ixtirmaaka. Marka aad waydiisid lamaanahaaga waxa uu ka qabo arin ama talo, kadibna aad samaysid mid ka soo hor jeeda taladii ama fikirkii uu kuu sheegay ayaa waxa ay tahay ixtirmaad daro.

5 – Ha isku cambaaraynina dadka hortiisa
Arintanina waa mid aad u xun. Hadii aad isqabtaan la taga murankiina iyo qayladiina guriga oo halkaas ku xaliya. Laakiin marka aad isku hor qabsataan oo isku hor cambaaraysaan dad kale hortiis ayaa waxa ay keenasysaa dhaacaw aan waligii bogsan iyo nacayb aad isu qaadaan

pics from: xanafi2010@hotmail.com

SIDEE KU OGAAN KARTAA GABADHA SIDA DHABTA KUU JECECL?

Run ahaantii jacaylku waa tartan qarsoon oo ogaanshihiisu ay wakhti qaadato, mana fududa marka u horaysa in la dareemo gabadh ku jecel sida ay u fududahay in aad dareento waxyaabaha kale, Had iyo jeer dadka uu jacaylku la soo darso rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee si daacad ah ugama run sheegaan, ku dhiirashada inay si badheedh leh ugu soo bandhigaan jacaylka ay u hayaan qofka sida dhabta ah ay jeclaadeen, waxaanay inta badan la soo dersa dareen baqdin iyo cabsi leh, iyaga oo ka cabsi qaba haddii ay u soo bandhigaan shaqsiga ay jecel yihiin in lagu gacmo saydho oo ay la kulmayaan waji gabax.
Waxaanad niyaddada ku haysaa in qofka sida dhabta ah jacaylku qaba aanu sinaba kuugu soo bandhigi karin ragga iyo dumar kuu doonaba ha ahaadee waayo maahmaah english ah ayaa tidhaahda “True Lover Don’t Say Love Each Other,But They Know They Do” oo ay macnaheedu tahay labada qof ee sida dhabta ah sku jeceli lagamaba yaabo inuu ku yidhaado waan ku jecelahay midba midka kale balse wey ogyihiin waxaa ka dhexeeya waxanay isku dareensiiyaan waa ficilo aad ka garan karto qofka sida dhabta ah kuu jecel (action).
Sidaa awgeed haddii aanu sii ogayn qofka wax jeceli jawaabta uu kala kulmi doono qofka uu jeclyahay, marka uu jacaylkiisa u sheegan waayo ayaa waxaa ay ku kaliftaa qofkaasi amaba sabab u ah in qofkaasi uu qarsado jacaylkiisa taas oo khataro caafimaad oo nafsaani ah ku keenta qofka wax jecel.
Waxa jira dad uu ka xoog bato dareenka qiirada leh ee jacayku oo si fududna looga fahmi karo rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee. Si kastaba ha ahaatee waxa jira dhaqamo iyo caadooyin badan oo u diidaya gabadha ceebna ku ah in ay si fudud ugu soo bandhigto wiilka ay jeceshahay jacaylkeeda iyo waxyaabaha ka dhabta ah ee ay ku dooratay amaba dareenkeeda nafahaaneed.
Waxa kale oo jira dhaqamo iyo caadooyin u fasaxaya gabadha in ay ku dhiirato sidii ay ugu soo bandhigi lahayd, Tusaale ahaan gabdhaha ku nool qurbaha oo kale ceeb kuma ah in ay tidhaahdo “Hebeloow waan ku jecelahay”. Sidaa daraadeed ragga way ku adagtahay in ay ogaadaana gabadha aadka u jecel, maxaa yeelay dumarku uma qirtaan jacaylku sida uu yahay, xitaa haddii uu ka dhab yahay. Sidaa awgeed waxa jira waxyaabo badan oo uu ninku si fudud uga fahmi karo gabadha aadka u jecel waxeyna kala yihiin qodobadaasi.

Isagoo ninku isbarbar dhig ku sameeya oo qiimeeyna ku sameeya hab dhaqanka ay gabadhu dadka ula dhaqanto iyo sida ay adiga kugula dhaqanto. Haddii aad gabadha ka dareento in ay ku siinayso tixgelin ka badan ta ay dadka kale siiso gabadhaasi way ku jeceshahay ee sidaasi ku ogow. Dumarka qaar ayaa aad uga werwera badbaadada qofka ay jecel yihiin, sidaa daraadeed haddii gabadhu ay aad xil isaga saarto in ay ogaato halka aad joogto iyo waxa aad ku sugan tahay iyada oo ku waydiinaysa dad xog ogaal kuu ah, gabadhaasi way ku jeceshahay.

Haddii gabadha ku jecel aad ku aragto hinaase waxa lagu sifeeyaa aragtida noocaasi ah in ay ku jeceshahay, maxaa yeelay hinaasaha laftiisu waxaa uu qayb laxaad leh ka qaadtaa jacaylka dhabta ah ee ay hayso haweeneydaasi. Gabadha ku jecel ee aan kuu soo bandhigin jacaylkeeda waxa ku abuurma dareen baqdin leh, waxaanay had iyo jeer ka werwertaa in ay waydo ninka ay jeceshahay oo uu raaco gabadh kale oo aan iyada ahayn. Hadaba haddii aad ka dareento gabadha aad wada sheekeysataan amaba walaltinimo idinka dhexeyso hadii aad ku aragto astaamahan waxa lagaaga baahan yahay in aanad lumin jaaniskaasi oo aanad dayacin jacaylkeeda ee aad ka faa’iidaysato fursada qaaliga ah. Astaamahan aad aragtay Run ahaantii waxa aad si fudud u soo jiidan kartaa una ogaan kartaa, kasban kartaana qalbiga gabadha ku jecel.
Adgoo Isku daya marka aad si dhab ah oo aan dheel-dheeli ku jirin aad u hubiso qodobadan in aad si talaabo talaabo ah ula kulantid ulana haasawdid, una soo jiidatid gabadha ku jecel.Ogow haddii aad ka xishootid haasaawahan hufan oo aad yeelan waydo isku kalsoonida dhexdiina taala ayaa meesha ka baxaysa.

ASTAAMAHA LAGU KALA GARTO JACAYLKA DHABTA AH IYO MIDKA DHALANTEEDKA AH

Haddii lagu waydiiyo faraqa u dhexeeya jacaylka dhabta ah iyo ka been beenta dhalanteedka ah maxaad odhan lahayd?

Inta aanad su’aashan ka jawaabin marka hore waa in aad taqaanaa waxa jacaylku yahay iyo macnihiisa guudba, erayga jacayl oo af ingiriisiga lagu yidhaahdo LOVE waxa uu ka kooban yahay 4 xaraf oo la isku daray midkastaana macno gooniya uu leeyahay, haddii aynu qorno erayga LOVE waxa loo soo gaabiyey waxay noqonaysaa sidan:

L = Listen (dhagaysi)

O = Over look (daryeelid)

V = Valme (qiimayn)

E = Express (muujin kalgacal)

Haddii aynu sharaxno xarafka hore ee ‘L’ waxay ka taagan tahay in qofku ruuxa uu jecel yahay ama jecel uu si xad-dhaaf ah u dhegayso sheekadiisa iyo hadalladaiisa, isaga oo ereykasta oo ka soo baxa afka qofka uu caashaqsan yahay qiimayn weyn siiyo, iyada oo isla markaana weedhaha jacaylkiisu ku tiraabaa ay qalbigiisa qaboojiso.

Xarafka labaad ee ‘O’ waxa uu ka dhisan yahay daryeel iyo lexojeclo xad-dhaaf ah oo aad siiso ruuxa aad jeceshahay ama aad ka hesho qofka ku jecel, isaga oo maskax ahaan jidh ahaan, dareen ahaan, nolol ahaan iyo farxadaba dhibaya isla markaana waxyeelo u keenaya.

Erayga saddexaad ee ‘V‘ waxay u taagan tahay in aad qirto qiimaha iyo wanaaga qofka aad jeceshahay adiga oo qiimayn iyo qadarin aanad qof kale oo ku nool dunida u quudhayn u haya sida dhabta ah u jeceshahay, isla markaana qofka ku jecel waa in aad ka heshaa astaamahaas.

Ereyga u dambeeya ee jacayl loo soo gaabiyo waa ‘E’ oo ah in aad qofka aad jeceshahay u muujiso sida aad uga heshay iyo cishqiga aad u qabto eray ahaan iyo ficil ahaanba, sida adiga oo ku ydhaahda, waan ku jecelahay, caashaqa iyo kalgacalka aan kuu qabaan maaha mid la soo koobi karo qalbigayga iyo halbowlayaasha dhiigga ayaad saldhig ku leedahay. Ficil ahaana waxay noqonaysaa qofka aad jeceshay oo markasta aad u keento hadiyado yaryar oo uu ku farxo ama ku faraxdo, taas oo aad ku muujinayso dareenka jacaylka ee aad hayso.

Haddaba, qofka bani’aadamka ah way ku adkaataa in uu inta badan kale saaro jacaylka dhabta ah iyo khiyaaliga ah, laakiin waxa daruuri ah in qofku marka uu damco in uu kala garto kalgacalka runta ah iyo ka beenta ah in uu u dhuuxo habka ay culimada ku takhasusty jacaylku uu u qeexeen markaa waxaad waxoogaa yara kala garan doontaa jacaylka dhabta ah iyo ka dhalanteedka ah, dadkuna kala saarida labada nooc ee jacaylka way ku kala aragti duwan yihiin, culimaduna siyaabo kala duwan bay u fasiraan, laakiin waxay badankoodu isku raasan yihiin in jacaylka dhabta ahi uu yahay ka ku qotoma afarta xaraf ee loo soo gaabiyey caashaqa, waanna dareen saafi ah oo aad ugudbiso qofka aad jeceshahay, kaas oo dhiga ruuxa ugu farxada badan dunida, qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay waxaad u tixgelisaa si qoto dheer oo ixtiraam mudan, waxaanad dareentaan in nafahiina isku mid yihiin oo saacadaha qalbigiinu isku buuxaan, taas macnaheedu waa haddii qofka aad jeceshahay wax yar oo dhib ahi la kulanto in aad markaaba dareento, haddiise saacadaha qalbigiinu ilbidhiqsi yar kal horreeyaan oo aanay isku buuxin lama odhan karo jacaylkiinu waa uu gaadhay heerkii loo baahnaa, haddiise saacadaha qalbigiisu ilbidhiqsi yar kala horreeyaan oo aanay isku buuxin lama odhan karo jacaylkiinu waxa uu gaadhay heerkii loo baahnaa.

Jacayla dhabta ah waxa loo dareemaa si qiiro iyo la yaable, waxaanna la doonaa in qofka aad jeceshahay waqti walba la joogto oo nolosha inta ka dhimman la wadaagto, qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay waa ka wanaagaaga doona, haddii aad ficilo xunxun kula dhaqanto kuu dulqaata, waa ruuxa akhrista qalbigaaga iyo waxaad damacsan tahayba, kaas ayaa la yidhaahdaa waa jacayl dhab ah.

Jacaylka iyo kalgacalka beenbeenta iyo dhalanteedka ahina waa ka ay ka maqan yihiin, dhagaysiga, daryeelka, qiimaynta iyo muujinta dareenka jacayl ee aad xambaarsan tahay, waayo jacayl khaaliga ah waxa lagu gartaa qofka oo dhagaysigaaga ka caajisa, qofka oo aan daryeel kuu muujin, ruuxa oo aan ku qiimayn, kuna yasa, daymadiisa, hadalkiisa iyo dabeecadihiisana ka dhadhansan mayso astaamo jacayl oo uu kuu qabo.

Jacaylka dhalanteedka ah waxa lagu gartaa qofka oo iska yeelyeela in uu ku jecel yahay, iyada oo afku ka xado erayo aan dhagahaaga raali galinay, jacaylka dhalanteedka ah cimrigiisu ma raago oo waxa uu xidhiidhkiisu ku burburaa muddo yar oo gaaban, kaas oo lagu garto jacaylka khiyaaliga qofka oo ballan kuu qaada oo jar jara, isaga oo ku marmarsooda hawl baan hayey iyo cudur-daaro aan maangal ahaynd.

Ubaxyada Cascas oo laga Mamnuucay Sucuudiga

Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa mamnuucday iibinta ubaxyada midabada cascas leh ee dareenka jacaylka lagu muujiyo, iyada oo tallaabadan loo qaaday maalinta jacaylka dunida ee loo yaqaano Valentines Day oo innagu soo fool leh awgeed, waxayna dawladdu soo jeedisay in lammaanaha isqaba ay siyaabo kale ku muujiyaan cishqiga u dhexeeya.

Sida ay saxaafadda Sucuudigu qortayna guddiga sare ee Boqortooyada u qaabilsan arrimaha diinta ayaaku amray dukaamada ubaxyada iibiya iyo meheradaha kaleba in habayaraatee aanay qofna ka iibin karin ubaxyada cascas, iyadoo meheradaha lagu qabtana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, waxa kale oo laga mamnuucay in ay ubaxyada ku soo bandhigan meherahooga hartooda si aanay indhaha dadka u soo jiidanin.

Waxayna guddigu sheegeen in aanay u bannaanayn ummaddaha islaamka inay u dabbaal deggaan xusaska reer galbeedku samaystaan sida maalinta jacaylka dunida, taas oo dhiirigalinaysa in dhallinyarada aan guurka xalaasha ah isku qabin ku kacaan falal fawaaxishah, sida sinnada iyo wixii la xidhiidhaba.

“Muslim ahaan uma dabbaal degi karno xusaska gaalada iyo reer galbeedka, iyada oo xusaska qaarkood fawaaxish ka dhalan karo.” Sidaa waxa yidhi Sheekh Khalad Al-dossar oo arrimaha islaamak daraasado ka diyaariya, isaga oo u warramayey jariirada The Gezeztte ee ka soo baxda Sucuudiga.

Dadka iyaguna ka ganacsada ubaxyada ayaa qiray in laga mamnuucay iibinta ubaxyada, “Guddiga diinta ayaa nasoo booqday, waxayna nasiiyeen digniin ah in aan wax ubaxyo ah la iibin karin.” Sidaa waxa yidhi nin Sucuudi ah oo meherad ku haysta magaalad Riyaad, kaas magaciisa qariyey.

Waxayna jariiradu intaa raacisay in mamnuucidan lagu so rogay iibinta ubaxyada cascasi ay horseedi karto in suuqyo madawbi ka furmaan Sucuudiga, kuwaas oo si qarsoodi ah looga iibin doono dhallinyarada raba in ay maalinta jacaylka u dabbaal deggaan, iyada oo xilliyadan oo kalena uu qiimaha ubaxu si qaali ah sare ugu kaco.

Dadka aan muslimiinta ahayn ee ku dhaqan Sucuudiga ayey dawladdu u ogolaatay in ay maalinta jacaylka guryahooga dhexdooda ugu dabbaal deggaan iyada oo sida saxaafaddu qortayna dhallinyaro badan oo is jecel oo Sucuudiyiin ahina ay qorshaysteen inay dalalka Sucuudiga jaarka la ah sida Dubai iyo Baxrain u qaxaan si ay maalintaa jacaylka dunida si xor ah ugu dabbaal deggaan.

14 February ayaa sannadkasta dunida laga xusaa maalinta jacaylka, taasoo waddamada islaamak ahina arrintaa ka soo horjeedsaden, iyaga oo ku tilmaamay wax dhaqan xumo ah oo diinta islaamka aanay ogolayn.

8 sannadood ayuu maydkiisu qol dhexyaalay!

Nin aan la aqoonsan ayey boolisku maydkiisa ka heleen dhisme ku yaal magaalada Bristol ee dalka England, kadib markii uu qol dhexyaalay siddeed sannadood, iyada oo aan habayaraatee laga warhaynin, arrintan waxay ka dambaysay markii ay dadka jaarka la ahaa dhismaha uu maydkani yaalay muddo badan ka cabanayeen ur qudhmuun oo kagaga soo baxaysa dhismaha, taa soo muddadaaba shaqaalaha caafimaadku isaga dhegotirayeen wax-ka-qabashada codsiga dadka kaga imanayey, waxayna shaqaalaha caafimaadku markii dambe baadhitaan ku sameeyeen dhismaha urta qadhmuuni ka soo baxaysay, waxayna halkaas ka heleen nin mayd ah oo jidhkiisu qudhmay oo baaba’ay, kaas oo la aaminsan yahay in qiyaastii uu siddeed sannadood isaga oo mayd ah qolka yaalay, arrintan dadkii ku noqotay la yaab iyo u qaadan waa.

Ninkan oo aan la aqoonsanayn ayaa la sheegay in qiyaastii markii uu dhintay da’diisu ahayd 70 jir, kaas oo qolka uu kula noolaan jiray nin isaguna 70 jir ah oo markii dambe boolisku xidheen, iyaga oo ku eedeeyey in uu ku fashilmay in ninka maydka ah uu sheego si loo duugo, waxaanna markii dambe la ogaaday in isaguna uu maskaxda ka xannuusanayo.

“Siday suurtogal u noqonaysaa in qof maydkiisu uu ql magaalo ku yaal muddadaa dheer dhexyaalo iyada oo aanay cidina ogaan oo nolosha dadka deegaankuna si caadi ah isaga socoto.” Sidaa waxa yidhi Dawn Primarolo oo ka tirsan Baarlamaanka England isaga oo arrintan xun oo u warramayey saxaafadda England.Dhacdadan ayaa dadka magaalada Bristol ku beertay naxdin, maxkamad ayaana baadhaysa sababta maydkani muddada dheer u yaalay qolka iyada oo aanay cidina ogaanin, arrintanina waxay dabboolka ka qaaday daryeel la’aanta iyo ka warhayn la’aanta dadka da’da ah ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, taas oo laga cabsi qabo in qofkasta oo gaboobayba uu meel cidlo ah daryeel la’aan ugu dhinto.

DHIBAATOOYINKA SOO KALA DHEX GALA LAMAANAHA IS JECEL MARKA AY KALA FOGAADAAN(qormo xiiso leh)waxaan  halkan ka salaamayaa maamulka  ummada reer soomaaliland meel walba oo ay ku noolyihiin waxaan doonayaa in aan ka hadlo ama aan halkan ku soo bandhigo arin u baahan in  aan kala taliyo dhamaan lamaanayaasha is jecel taas oo badanaa u keenta dhibaato dhanka lamaanayaasha is caashaqay waxaan in badan oo wakhtigan ah aan dareenaa in dhibaatooyinkaasi soo noqnoqdaan waayo hore ayaa loo yidhi jacaylkii kal dhoofa dhaayihii kala raaga dhibaataa  dhex timaada” waxayna dhibtani badanaa soo wajahdaa marka labada lamaane ee mucaashiqiinta isku ahi ay kala fogaadaan iyada oo wakhti kala geeyey arooska iyo xidhiidhka meherka hortiis taas oo keenta in labada dhinacba shaki yimaado sidoo kale waxaa meesha yimaada saddexeeye iyo in gabadh walbaa iyo wiil walbaa ba iska dhaadhiciyaan in qof walba lamaane kale raadsanayo oo jacaylkiisii hore halkaa ku eegyahay hadii ay kala fogaadaan, sida in uu la socod iyo sheeko la sameeyo ama lasameyso gabadh ama wiil kuu doono ha noqdee dhalin yarada uu la kulmay ee uu meesha kula noolaaday iyga oo baray qof kale kana dhaadhacsiinaya in aan qof binu aadan ah laysku aamini karin oo leh dumar layskuma haleeyo ama ina rag aamin ma galo,balse labada lamaane ee kala fogaaday marnab isma weydiiyaan sida aad adigu daacad ugu tahay qofka aad jeclaatay ayuu isagaun daacad kuugu yahay waxaanad moodeysaa in mar walab qalbigiisa ay ka tan badan yihiin dadka uu markaas soo dhex galay maalmo yar gudahoodan waxaad arkaysaa qofkii oo jacayl cusub sameeyey isaga oo leh jacayl hore waan soo sameeyey laakiin waan ku guuleysan waayey !!!

ma kula tahay in qof qalbigiisu nadiif yahay oo jacaylkiisu in yar laabta kaga jiro in uu been ka sheegi karo jacaylkiisa dhabta ah oo uu odhan karo waan ku guuleysan waayey mise waxay kula tahay in uu odhanayo waxaan si xad dhaaf ah u jeclahay hal qof oo dunida ku nool hadan iga durugsan?

maxaa keenay in qofku jacaylkiisii dhabta ahaa ee u horeeyey uu been ka sheego isaga oo leh waa isoo maray jacayl laakiin wuu guursaday ama layga guursaday ama waan kala hadhnay iyo kelmado badan oo been ah oo uu doonayo in uu ku beer laxawsado qofka markaas uu doonayo barashadiisa.

runtii beentu waa mid aad u xun marka qofku kelmadaa leeyahayna ilaahay waa maqalayaa oo waxaa laga yaabaa in loo qaado oo dhab ay noqoto lagana guursado kadibna uu waali iyo isla hadal ku dhameysto waayo si walaba oo qofku uu u war wareego kama tago asal ahaantiisa jacaylkuna waa midka u horeeya ee dhabta ah in kasta oo dhalin yaradu jecel yihiin sidii ay marba qofka nafsadoodu doontay ula socon lahaayeen.

Akhriste walba oo akhrista maqaalkan waxaan weydiinayaa su’aasha ah maxaad u tidhaahdaa kelmadaha aan kor ku soo xusay marka aad gabadh la kulantid adiga oo qarinaya jacaylkaaga ama marka aad wiil la kulantid ? taasi maaha ilaa hada mid ay dadku garanayaan waxa sababa laakiin waa xanuun ku dhex jira dadka is jecel ilaa xanuunkaa daawo loo helana wax hagaagayaa oo jacayl la odhan karaa ma jiro waayo beentu waxay mar walba burburisaa nolosha qofka binu aadanka ah mana u ogolaato in uu nolol raaxo ah ku noolaado, badanaa qoysas badan oo jacayl lagu dhisay ayaa muddo yar gudahood burbura taasina waa been ka dhex dhalatay dadka is jecel dhexdooda taas oo sababtay in kalsoonidu burburto.

ma jiroqof binu aadan ah oo wax u hagaajin karo sidii la doonaayey laakiin waxaa loo baahan yahay in laysku dayo dadka is jecel ee kala dheeraaday wakhtiguna u saamixi waayey in ay hal meel ku wada noolaadaan waxaan mid walba uga digayaa kana codsanayaa in ay jacaylkooda dhabta ah been ka sheegaan iyaga oo door bidaaya qof cusub barashadii ama la socodkii taasi hadii ay suurto gasho oo qofku jacaylkiisa dhab ka sheego kalsooni,qaderin,kaladanbeyn,iyo is aaminid ayaa imanay nolol raaxo leh oo aan welwel iyo welbahaar lahayna way ku noolaanaya lamaanayaasha is jecel meel walba oo ay dunida kaga nool yihiin.

ugu danbeyntii waxaan ka raali gelinayaa qof walba oo akhrista maqaalkan hadii uu khalad u arko qoraalkaaan soo bandhigay waxaan leeyahay ka raali noqda waayo ilaahay ayaan wax khaldin.

JACAYL AAN IN BADAN DANAYNAAYAY BALSE AANAN HELIN

Dhacdadani oo ah mid si dhab ah u dhacda 2009-03-24 ayaa waxa ay ku dhacday wiil lagu magacaabo maxamed muqtaar.waxaana filaayaa in ay dhacdadani tahay mid aay ka wada heli doonaan dhamaan aqristayaasha wargeyska dhambaal Maxamed oo iiga waramay dhacdadaan ayaa waxa uu iigu war bixiyay sida tan:-( jaceylkeyga waxa uu ahaay mid soo taxnaa ilaa iyo mudo sedax sano ah sidaas darteed gabadhaas ayaa waxay aheyd gabadh aanu fasal wada dhigan jirnay oo markii hore si walaaltinimo ah isku baranay kolkii xigtayney aanu daalacnay dhaankaa iyo jaceylka. Anig oo cabiraaya ra’yi ahaanteyda waxaan aaminsanahay jaceylka ku bilaawda walaaltinimada ayaa ugu wanaagsan jaceylada Run ahaantii gabadhaasi waxa ay aheyd gabdhii ugu horeysay ee aan si dhab ah u jeclaado waxayna I tustay micnaha jaceylka iyo sharaftiisa jaceylkeeduna maahan mid aan si fudud ku iloobi karo sidaas waxaa yidhi maxamed. Asagoo hadalkiisa sii wato ayaa waxa uu intaasi ku daray markii aan in mudo ah wada soconay ayaa waxaan ku heshiinay guur kabacdina waxaan dhigaynay guur hoosahoosey ah nasiidaro se waxaa warkeena si hoose uga war helay abtigey waxa uuna igu waaniyay in aan arimahaan Farah kala boxo hadii kale aan kala kulmi doona arimo kale Intaas ka dib arinkaas oo ii cuntami waayay ayaa waxaan ula tagay jaceylkeygii una soo bandhigay arinkii iyo wixii aan abti isku odhanay. Wada hadal dheer ka dib waxaan isku afgaray in aan abti aa ku idhaahdo abti waan iska daayay afka lee ah ee aan uurka jirin. Arinkii kolkii aan u sheegay abti gadaal waa ay udhaafi weyday oo waxaa uu yidhi hadii ay run kaa tahay horteyda halagu kala tago indhaheygoo shanta ah.Halkaas ayaan ku kala baxnay aniga jaceylkeygii maryan, anagoo ku qanacsaneyn sida uu abti wax u waday laakiin waxaas oo dhan waxaa ka weynaayay amarka abti Isku soo wada xooriyoo saaxiibtey maryan waxaan ka wada hadli jirnay qadka anagoon sidi hore isku aheyn. Alle amarkiis maryan waxaa looga yeedhay Kenya oo uu aabaheed leen America ah uga diyaariyay Kenya deetana aan maqlay in ay uga sii gudubtay U.S.A Ilaa iyo iminka mahaayo meel aan kala xidhiido Hadaba akhristow hadii ay kugu dhici laheyd

Arinkaan oo kale hadii uu ku qabsado maxaad samayn lahayd?

HORTA JACAYL MA YAHAY WAX JIDHA?

haa oo wuu yahay wax jira basle waxaa badan dad aad iyo aad u tiro badan oo jacaylka ka aaminay xumaa sababta oo ah waxaa dhacday in dad badan oo leh jacayl ayaan isku qabnaa ay iskula kacaan wax yaabo aanu jcaylku caado iyo dhaqan u lahaan jirin waxaa beryahan danbe la arkaa in dhalin yaro fara badan marka jacaylka wax laga weydiiyo ay ku jawaabaan jacaylku waa in shahwada oo keliya layskula meel gaadho ilaa inta guur xalaal ah laga helayo balse taas waa been waayo miyeynu odhan karnaa jacayllkii cilmi iyo hodan kaas ayuu ahaa ama canbar iy ceebla,leyla iyo qays waxaa xasuus mudan in aynu wax ka taabano gabayadii cilmi boodhari uu ku tilmaamayey in uu qalbigiisu u jeedo hodan oo aanay idhisiisuba arkeyn dumarkan qaaqaawan ee la hor keenay isaga oo tuduc ka mid ah ku sheegay oo yidhi “hablayahaw halkii qoomaneyd baad i qabateene, qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseenee qosolkaa yar yari waa waxaad nagu qaldaysaane,qalbiguu wax yeelayaa naaska qaawaniye,in aan eebahay idin qatalin qariy laabtiina

run ahaantii cilmi wuxuu sheegayey in uu  jacaylka hayaa uu yahay mid dhab aha kaas oo dad badan oo hada dunidan ku nool uu ahyo laakiin wuxuu cilim gabayo badan ku sheegay in dadka wax jecel ay aad  uga dabeneeyaan qofka ay jeclyihiin hadii uu xumaan kula kaco iyo hadii uu wanaag kula kacaba, hadaba waxaan anigu qoraa ahaan odhan lahaa jacaylku waa uu jiraa waana soo jirey waligiiba waayo aduunkan hadii aanu jacayl jirin ilmuhuba naaska hooyadii caano kama heleen ee way iska dayrin lahayd jacaylkuna asala ahaan waa qof ilaahay kuu sakhiro oo wax walba oo aad u baahanatahay ku dadaalaya in uu ku siiyo wixii dhibtaada ahna doonaya iin uu kaa badnbaadiyo isaga oo aan xukunka illaahay gacanta ku hayn

alla badanaa oo badanaa inta jacyl daacad ahi soo maray oo ka faa’iidaysan waayey alla badanaa inta nacas aduunyadan ku nool oo qof si dhab ah u jecel agtiisa ka dheereeyey alla badanaa inta sarbeeb wax loogu sheegay ee qalbigooduna dareemi waayey

qofku jacayl waa sameyn karaa balse waxaa is weydiin mudan sidee u sameyn karaa sideese ugu guulaysan karaa isaga oo aan hanqalka u taageyn wax yaabaha ay dhalin ayrada ama dadka meesha kula noolo ku leeyihiin waxaa xaqiiqo ah in labadii jacayl dhab ah doonayaa ay jacayl sameyn karaan waxaana hubaal ah labadii doonay in ay noloshoda ciyaar iyo been ku maaweeliyaan in ay sameyn karaan iyaguna waxaanse anigu si dhab ah u aaminsanahay in mar walab uu jacaylka dhabta ahi guuleysto oo uu yahay ka horu marka iyo barwaaqada u horseeda qofka binu aadanka ah.

Dhaawacyada ka dhasha raaxadda sariirta.Waxa ay u eegtahay in wadanka England ay xaraarada raaxada sariirtu aad u badan tahay. Taas oo keenta dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaadha lamaanaha hawsha u gaarka ah ku guda jira. Hadba arintan ayaa waxa baadhitaan ka soo sameeyay Phonepiggybank.com si loo ogaado dhaawaca soo gaadha lamaanaha marka ay raaxaysanayaan oo xaraaradoodu meel sare marayso iyo sida ay u dhacaan.

Baadhitaan ka dhacay wadanka England oo waraysi laga qaaday 1000 qof ayaa waxa la waydiiyay noocyada galmada iyo dhaawacyada ka soo gaadha marka ay raaxaysanayaan. Baadhitaanka ayaa waxa lagu ogaaday in sanad walba boqolaal kun dhaawac ka soo gaadho xiliga ay raaxaysanayaan.

Hal kamid ah seddexdii qofba mid ayaa waxa ka soo gaadho dhaawac marka uu raaxaysanayo, laakiin waxa ay ogaadaan ama dareemaan dhaawaca maalinta dambe ee xaaladu degan tahay. Waliba dhaawaca ayaa qaar waxa uu gaarsiiyaa in ay maalinta dambe aadin shaqada oo ay guriga joogaan.

Hadaba meesha ugu khatarsan ee lagu sameeyo raaxada guurka ayaa ah kursiga qolka fadhiga, halkaas oo ah meesha dhaawaca ugu badani ka dhaco. Ilaa 10% ayaa ayaguna ka dhaca sariiraha marka ay ku jiraan xiliga jacaylku marayo meesha ugu saraysa.

Baadhitaanka ayaa waxa ka mid ahaa in la waydiiyay dadkii la waraysanayay alaabata ku jajabta xiliga la raaxaysanayo.
Alaabta u badan jajabka ayaa ah dhalooyinka wax laga cabo ee u dhow meesha ay ka dhacayso raaxada guurku. Laakiin ta sida caadiga jabtaa waa sariirta oo ah meesha jacaylku salka dhigo.
Afhayeen u hadlayay phonepiggybank.com ayaa waxa uu ku taliyay in ay haboon tahay in wadada laga sii faaruqiyo alaabta ku jajabi karta xiliga galmada, taas oo u keeni karta lamaanayaasha dhaawac.

Dhaawacyada kala duwan ee soo gaadha lamaanayaasha ayaa ah:
1. Muruq dhaawacma
2. Dhabar xanuun
3. Diirka oo ku xoqma ka dibna noqda sidii mid gubta.
4. Qoor xanuun
5. Jug ka soo gaarta jilbaha

  1. Leave a comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: