ciyaaraha kubada cagta

waxa qoray xanafi sheikh ahmed ”tariiqda 6-10-2011

kooxda celsea oo ugacan haatineyso ciyaaryahanka somaliyed ee amiin c/xaji ciyar yahan kan dadayer oo ka soo baxay akadamiga barcelona iyadoo chelsea mudo dheer baadi goob ugu jirtay ciyaar yahankaan si ey ula soo wareegi laheed ciyaar yahankaan oo lagu tilmaamay iniesta ha cusub isagoo leh qibradii lagu maamuli lahaa qadka dhexe chelsea oo malmahaan isha la raaceyso ciyaar yahanda lagu tawabaro akadamiga barcelona si ey did uhaben ugu sameyso kooxda ayey qarash xoogleh ugilin rabtaa la soo waregista ciyaar yahakaan

ciyar yahanka oo u waramaayay sky sports  ayaa waxa uu tibaxaay  in uusan haatan dooneynin in uu gabi ahaanba iskiiga hayaamo  goronka camp new ee kooxda barcelona  asigoo hadalkiisa kusoo gaa gabeeyay  in uusan meelna uuga dhaqaaqeynin barcelona

pablisho on march  13-3-2011

FRANCESCO  totti    oo boqor ka noqday derby della   capitale   iyo  ac milan oo lahakiyay

Published on March 13-3-2011  sosare  xanafi fanax

as Roma ayaa kasoo kabsatay guul daradii champions leaga  kadi  markii ay  2-0  ku garaaceen   kooxda ay  ka wada ciyaaraan  olompico  ee lazio      francesco totti  ayaa markale ahaa geesiga  kooxda  ROMA  kadib markii uu labo gool dhaliyay  qeybti dambe e ciyarta ” ciyaartaaso  ahayd mid xamaasad badan  leh   madama ay labada  koox kawada  dhisan yihiin halka magaalo e roma   kadib markii goolka koowaad laga dhaliyay lazio ayaa ayaa isku dhex yaacday waxaana calaamada  kaarka cadanka ah ka qaatay labo ciyaaryahan  taa oo usahashay  macalin totti gooshiisii labaad  oo kusoo idlaatay 2-0

ac milan oo  bareejo 1-1 ku soo id laatay

kala soco sportskii ugu dambeeyay  ( towfiiq.wordpress.com )

Man United oo koobkii 3aadka reebtay Arsenal

neirobi kenya (ciyaaro) Arsenal ayaa si fudud looga saaray koobkii 3aad mudo 2 todobaad gudahood ah markii caawa ay qasaaro 2-0 ah kala kulantay Manchester United sidaana ay ku tiigsatay FA Cup-ka semifinalihiis.

7 difaac ah ayaa United ciyaarta ku bilaabatay iyadoo difaaca dhanka bidix Fabio da Silva, uu khadka dhexe ka ciyaarayay, isaga ayaana goolka 1aad dhaliyay halka goolka 2aad uu ku daray Wayne Rooney qeybtii danbe.

Macalin Sir Alex Ferguson ayaa guushaan helay kadib dadaal dheeri ah uu ugalay  afcup  sida aan ogsoo nahay  manchester united  kulamadii ugu dambeeyay  ay dheeshay  premier league ayaa sadex kulan kamid eh kulumadii ugu dambeeyay  guul daro kala kulmay  macalin manchester united sir alex fergusen ayaa kahadlay ciyaarta mar key soo idlaatay asigoo war baahinta u sheegay  in uu sii laba laabi doono dadaalka  oo uugu jiro sida uu ku qaadi lahaa koobab  badan  ayuu hadalkiisii kusoo afjaray

waxaad kala socotaan  weka  ( towfiiq.wordpress.com)

Waxaa Qoray c/caziiz sheikh axmedfanax,”’ingriiska wararkii ugudanbeeyayJan 14, 2011

Tababaraha Careysan Ee Manchester City Oo Ganaax Lacageed Ku Soo Rogay Qaar Ka Mid Ah Ciyaaryahanadiisa.

Tababaraha Careysan ee kooxda Manchester City oo ganaax lacageed ku soo rogay qaar kamid ah ciyaaryahanadiisa.

kuad qaabeeyaha kooxda  inter milan ee  wesley sneijer ayaa sheegay in  uusan marnaba diideynn dalab uuga yimaado kooxda  kubada  cagtamanchester nited

Roberto Mancini ayaa hoosta ka xariiqey in uu ganaax lacageed ku soo rogayo afar ciyaaryahan oo gacan ka hadal ku dhex maray garoonka tababarka kooxda Manchester City.

Mancini oo kooxdiisu kaalinta labaad kaga jirta kala horeynta kooxaha horyaalka dalka ingiriiska ayaa waxa uu sheegay in ciyaaryahanada kala ah Kolo Toure, Emmanuel Adebayor, Jerome Boateng iyo Mario Balotelli ayaa mushaaraadkooda laga goyn doonaa qiime aan la cayimin kadib markii sawiro laga qaaday iyagoo dagaalamaya.

Mancini oo wax laga weydiiyey ganaaxa ayaa yiri “ Haa, waynu ganaaxeynaa sababtoo ah waa inaan mar kale dagaal uusan dhicin laakiin marmarka qaar waa ay dhici kartaa waana ganaaxeynaa ciyaartoyda qarashkaasna waxaan ku wareejineynaa hayadaha samafalka.”

Ma aha mid qatar ah waayo waa wax labo daqiiqo gudahood ku eg ciyaartoyda marka ay qolka labiska isugu tagaan wax walba waa dhamaadaan.’

Mancini ayaa ku kaftamay ‘Mararka qaar waxaanu u dagaalanaa sawirqaadayaasha dartood waayo waxa ay ka helaan dhaqaale sawirqaadayaasha sawiradaas.’

Mancini ayaa intaa ku daray ‘ Gacan ka hadalka koox walba waa ay ka dhex dhacdaa laakiinse sababta annaga xooga naloo saaro waa iyadoo aanan lahayn garoonkeena darbi ku wareegsan.

Mancini waxa uu sheegay in uu kubbada cagta soo ciyaarayaymuddo labaatan sano ahisla markaana dagaalka feerka ee ka dhex dhaca ciyaartoydu ay tahay mid mar walba dhacda. waxaan xasuustaa in aan dagaalanay aniga iyo Trevor Francis mar aan ka wada mid ahayn kooxda Sampdoria 25 sano ka hor ma xusuusto sababta laakiin waxaan xusuustaa uun dagaalkaa ayuu sheegay tababraha ka soo jeeda dalka Talyaaniga ee Mancini.””””””’sosare c/caziiz  farsada ruuney c/slaan

Waxaa Qoray ruuney c/salaan  Jan 14, 2011

Real Madrid Ayaa Awoodeeda Isagu Geyneysa Inay Amaah Kula Soo Wareegto Emmanuel Adebayor.

Kooxda Real Madrid ayaa awoodeeda oo dhan isagu geyneysa sidii ay si amaah ah ugala soo wareegi laheyd kooxda Manchester City weeraryahankoda aan booska loo heynin Emmanuel Adebayor.

snejer oo u waramaayay tv  ga  sky sport  ayaa hadal kiisa wuxuu siiraaciyay  manchester united  waa naadiga ugu qatarsan horyaalka engeriisaka ee premiership  qaa ahaan neh waxaan jelahay in aan kusuu afjaro xili ciyaareyd keyga  garoonka old torrafedstadiom ee kubada cagta

Real ayaa waqtigu uu ku socdaa iyagoo heysta hal gool dhaliye oo kaliya madaama qaliin Chicago lagula sameeyay Higuain uu sababay inuu garoomada ka maqnaado muddo afar bilood ah.

Goor sii horeysay oo sanadkii hore ayay aheyd marki Real Madrid ay cadeysay in wax ciyaaryahan ah ay soo iibsan doonin suuqaan kala iibsiga ciyaartoyda balse haatan baahida ayaa keentay sida uu sheegay Jorge Valdano oo ah agaasimaha guud ee kooxda Madrid.

Sida ay Real wax u rabto ayaa ah inay amaah ku hesho gool dhaliye fiican, islamarkaana ciyaari kara koobka horyaalada qaarada yurub waxaana booskaasi ka bixi kara Adebayor, Manchester City ayaa iyadana dhankeeda diyaar ah inay iska bixiso Adebayor hadiiba mushaharkiisa oo gaaraya 160 kun oo ginni todobaadkii laga bixinayo.

Agaasimaha guud ee kooxda Real Madrid Valdano  ayaa saaxafad u sheegay in kooxdiisa ay haatan aad u baadi goobeyso weeraryahan balse ma uusan carabaabin cida ay la soo wareegi doonaan lakiin hadalkiisa ayaa waxaa ka muuqday in Adebayor uu yahay ninkaasi.

‘Waxaan ku dhex wareegeynaa suuqa dhexdiisa ka dib markaan Higuain arintiisi xalinay waxaana eegi doonaan inaan suuqa ka heleyno ciyaaryahan muddo lix bilood ah ina caawin kara, magacyo badan ayaa liiska noogu jira waana run inaan raadineyno No 9″ ayuu yiri Mr Valdano.

manchester united

warkoo dhameestiran kala soo xariir  xanafi2010@hotmail.com tel 0713450083

soo saaraha sportiska c/caziiz fanax

Naadiga ACMilan oo si rasmi ah heshiis xayaysiineed ula galay sharikadda Fly Emirates

Sunday, August 8th, 2010

Sharikadaha duulimaadyada dalka Imaaraadka Carabta ee Fly Emirates, Adidas oo sameeysa agabka Cayaaraha iyo kooxda ACMilan ayaa bandhig ay si wada jir ah ugu qabteen gegada caalamiga ah ee Malpensa ee magaalada Milano kusoo bandhigay funaanada cusub ee ay xilli-ciyaareedkan lasoo shir tegi doonto kooxda Milan, taasoo wixii ugu horeeyey ee ku lebista naqshadan cusub ee ay ku faya yaraysatay sharikada Adidas ay noqotay dayuurada A380 Super Jambo lafteeda taasoo ay dayuurada Airbus ee qaarada Yurub ugu faantay dhigeeda Boeng ee dalka Maraykan oo ay suuqa si wayn iskugu hayaan.

Waxaa xafladan lagu soo beegay  duulimaad khad cusub ah oo ay dayuuradu ka bilaabi doonta magaalooyinka Milano iyo Dubai waxaa dayuurada ku dheganeyd naqshada cusub oo sidii caadiga ahaydba lahayd diilimaha midabada casaanka iyo madowgawaxaana xaflada goob joog ka ahaa Sheekh Xamad bin Rashid Al Makhtuum oo ah gudoonka iyo xoghayaha guud ee sharikada Emirates, Gudoomiye ku xigeen sharafeedka ahna Maareeyaha dhanka cayaaraha ACMilan Adriano Galiani iyo maareeyaha dhanka suuq geynta ee sharikada Adidas ugu qaybsan Talyaaniga Jean Michel Granier kaasoo uu wehliyay Gudoomiyaha garoomada magaalada Milano Giuseppe Bonomi, halka kooxda ACMilan ay hor kacayeen tababare Massimiliano Alegri iyo kabtan Masimo Ambrosini

Kooxda ACMilan ayaa bishii Febaraayo ee sanadkan heshiis dhigaya inay 5 sanadood funaanadeeda ku xayaysiiso Fly Emirates qalinka kula aastay Sharikada Emirates Group, waxayna sanadkiiba ku qaadan doontaa aduun lacageed oo gaaraya 15 milyan oo gini oo ay dheeryihiin gunooyin taasoo 7 milyan oo gini ka badan lacagta ay iidhehdaasi mid la mid ah ku sameeyso kooxda Arsenal ee dalka Ingiriiska oo sanadkii qaadata ilaa 8 milyan oo gini, kooxda Milan ayaa safareeda qaarada Yurub sidaa darteed u isticmaali doonta dayuuradaha Fly Emirates.   qoraalka by c/caziiz sheikh axmed

posto by xanafi2010@hotmail.com

Sunday August 8th, 2010

Kaka oo qaliin xaga jilibka ah lagu sameeyay.!

Spain, Madrid (towfiiq.wordpress.cow) kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in ciyaaryaankooda qadka dhexe kaga ciyaara ee Kaka,  lagu sameeye qaliin dhinaca jilibkaa.

ciyaaryaankaan ayaa ka cawday xanuunka jilibka ka haaya mar ay kooxdiisu Real Madrid ay tababar ku samaynaysay xero ku taala Los Angeles.

Kaka aya dhaawacaan ka soogaray kulan kii adkaa oo dhaxmaray Brazil iyo Holland, balse Real Madrid ayaa dooneyso in ay hesho jawaabta sababta wadanka Brazil ay san si dhaqsaa ugu dirin ciyaaryaankaan dhaqtar.

Carlos Diez, oo ah dhaqtarka Kaka ayaa ku dhawaaqay in uu ciyaryaankaan uu ka maqnaan doono kooxdiisa Real Madrid , labo bilood .

Mourinho, ayaa walwala ka muujiye qaliinka lagu sameeye ciyaaryaankoonda qadka dhexe umaamulo, waa ciyaaryaan wanaagsan hadaan wayno waxaa inoo joogo ciyaartoykale.

wuxuu  intaa kale ku daray Mourinho, in Kaka yahaya ciyaaryaanka ugu qatarsan aduunka.

xafiiska sportiska e kenya by c/caziiz fanax

Saturday, August 7th, 2010

Cesc Fabregas oo joogi doono Arsenal.!!!

England, Arsenal (towfiiq.wordpress) laacibka kooxda Arsenal Fabregas ayaa shaaca ka qaaday in uu san katagi doonin kooxdiisa Arsenal, 23 jirkaan ayaa waxaa raadineesay kooxda Barcelona ee ka dhisan wadanka Spain.

Barcelona ayaa ku raadinaysay kabtanka kooxda Arsenal, aduun gaaraaya  €42 million  balse taas waxaa diiday macalinka kooxda Arsenal , Arsene Wenger.

Fabregas oo lahadlaaye saxaafada ayaa yiri, marka u horeesa waxaa raaligareenaa taageerayaasha Arsenal, maadaama aan ka hadlin mustaqbalkayga meesha uu ku aadanyahay, ciyaaryaankaan ayaa intaa ku daray in uu soo dhawaynaayo go,aanka ay kooxda Arsenal gaartay oo ah in Fabregas uu san beec ka ahayn.

aniga waxan ahay ciyaaryaan caalami ah waana fahmi karaa in Arsenal ay san rabin in ay iga,do.

abaal ayaan u haayaa kooxda, taageerayaasha iyo macalinka kooxda Arsenal, waana ku faraxsanahay go,aankooda, waxaana xooga saari doonaa xili ciyaareedka cusub ee kooxda Arsenal dheeli doonto.

waxaan u balan qaadaa taageerayaasha kooxda Arsenal, in uu hada  dhamaaday wada hadal kii u dhexeeye Barcelona iyo Arsenal ee ku aadanaa iibintayda, waana hubaa boqol kiiba boqol in aan xooga saari doona u ciyaarista kooxda Arsenal.

Barcelona ayaa ku hungowday in ay iibsato ciyaaryaankan u dhashay wadanka Spain, wada hadal dheer oo soo socday bishii la soo dhaafay una dhexeeye Arsenal iyo Barcelona ayeey natiijadiisu noqotay in ciyaaryaan Fabregas loo diido kooxda Barcelona.

xafiiska sportiska ee kenaya

c/caziiz  posto xanafi2010@hotmail.com

Saturday, August 7th, 2010 | Posted by C/caziiz  fanax

Christiana Poulsen oo ku soo wajahan kooxda Liverpool. »

Italy,

(towfiiq.wordpress)wakiilka ciyaaryaankaan aya shaaca ka qaaday in laacibka qadka dhexe kaga ciyaara kooxda Juventus Poulsen, uu wadada ku soojiro rabana in uu u ciyaaro kooxda Liverpool ee ka dhisan wadanka Egland.

macalinka kooxda Liverpool Roy Hodgson ayaa ka helay ciyaaryaankaan Poulse, xaqiijiyana in uu xiisaynaayo laacibkan isbuucii la soo dhaafay.

waxaa macquul ah in Liverpool ay lagasho qandaraas cusub Poulsen isbuuca soo socda.

Poulsen ayaa lagu wadaa in uu yimaada Egland isbuucyada soo socdo,una dheelo kooxda funaanada guduudan ku caan baxaday ee Liverpool.

xafiiska ciyaaraha towfiiq.wordpress ee kenya c/caziiz

Saturday, August 7th, 2010 posto by c/caziiz

Mame Biram Diouf oo ku biiray kooxda Blackburn Rovers.!!!

Egland, (towfiiq.wordpress) kooxda Blackburn Rovers ayaa lawareegtay ciyaaryaan Biram Diouf oo u dhashay wadanka Senegal, waxayna ka soo amaahatay kooxda Man united.

22 jirkaan ayaa aaday kooxda Blackburn kadib halsano uu la joogay kooxda Man united, ciyaaryaankaan da,da yar ayeey kooxda Manchester Uinted  kala soo wareegtay koox ka dhisan wadanka Norway.

weeraryahankaan aya u saftay  kooxdii sii hore Man United xili ciyaareedkii la soo dhaafay lix kulan halka uu ka dhaliye hal gool oo qura.

ciyaaryaankaan ayaa lagu wadaa in uu dheelo ciyaarta saaxiibtinimo ay kooxdiisa cusub laciyaaaridoonto kooxda Heart FC ee ka dhisan wadanka Scotland.

Blackburn ayaa xusulduub ugu jirta sidii ay ku heli laheed ciyaartooy da,yar oo tayo leh.

Saturday, August 7th, 2010 posto by c/caziiz

Xidiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo, oo rabo in uu xirto numbarka 7.

Spain, Madrid (Dhacdooyinka) weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo, ayaa xiisaynaayo in uu qaato numbarka 7 , kadib markii ciyaaryaan Raul uu katagay kooxda Real.

laacibkii horee kooxda Real Madrid Raul aya macsalaameeye naadigiisa isbuucii lasoo dhaafay, waxa uuna u wareegay kooxda Schalke ee ka dhisan wadanka Germany.

waxaa durbadiiba soo baxay in Ronaldo uu xiran doono funaanada ay ku qorantahay numbar 7, xidigaan aya kooxdiisii hore  Manchester united u watay numbarka 7, iyo weliba wadankiisa Portuguese.

Ronaldo markii uu yimid kooxda Real Madrid waxaa loo xiray numbarka 9, uu markaas  katagay ciyaaryaan Luiz Nazario  de lima Ronaldo oo u dhashay wadanka Brazil.

Ronaldo ayaa yiri waxan rabaa in aan xirto numbarkaas, waana hubaa in Raul uu ku farxi doona, hadan xirto nubarkaas, ayuu yiri 25 jirkaan.

sidoo kale Ronaldo ayaa ku tilmaamay Raul in uu ahaa ciyaaryaan muhiim u ah kooxda Real Madrid, basle uu Raul go, aan saday in uu ka tago kooxda Real, waa ciyaaryaan wanaagsan oo caalamiya waana hubaa in uu si fiican u dheeli doono.

Ronaldo ayaa u hambalyeey maclinkiisa cusub ee Jose Mourinho’s waxa uuna intaa ku daray ciyaaryaankaan in ay kooxdiisa  rabto in ay noqoto kooxda u horeesa.

Cristiano ayaa intaa kudaray in ay rabaan iney latartamaan kooxda Barcelona, sandkii lasoo dhaafay Barcelona way naga fiicneed, laakiin maka walwalidoona waxa ay sameydo sanadkaan.

waan hubaa in aan sandakaan si fiican u dheeli doono, waaxaana aaminsanahay in Barcelon garaaci doono, waan soo dhawayneenaa ciyaartoy kasta oo wangaasan oo yimaada garoonka Bernabue.

Xafiiska ciyaaraha Dhacdooyinka ee Mareekanka

By: c/caziiz sheikh axmed  c/caziiz fanax

Email:  xanafi2010@hotmail.com

Isku aadka Horyaalka Talyaaniga oo xalay la sameeyey iyo kooxaha waawayn oo taxadar ka muujinaya..!

Xilli-ciyaareedka 2010-11 ee Horyaalka Talyaaniga ayaa noqon doona mid aad uga gesidan sidii uu ku dhamaadey sanadkii tegey iyadoo waxyaabaha kusoo biiray aanay kaliya ahayn tababarayaal, ciyaaryahanno iyo kooxo cusub sida Brescia, Cesena iyo Lecce oo bedeli doona Livorno, Siena iyo Atalanta oo heerka 2-aad loo dhaadhiciyay ee laakiin xitaa waxaa isbedel lagu sameeyey waqtiyadii iyo maalmihii la cayaari jirey.

Tababarayaasha layliya kooxaha lagu tilmaamo qoryaha waawayn ee Serie A-da Talyaaniga (Lega Calcio) sida Ravael Bennitez (Inter), Claudio Ranieri (Roma), Massimiliano Allegri (ACMilan)  iyo Luigi del Neri oo Juventus ayaa kuligood muujiyay sida aanay u dhayalsanaynin horyaalka Talyaaniga oo weli u muuqda mid isu miisaaman min kor ilaa hoos marka la barbardhigo horyaalada kale ee Yurub oo kooxaha waawayni yihiin kuwa qala misna qaybiya, Waxayna tibaaxeen in aanay jirin koox dhibceheeda lagu xisaabtami karo.

Xilli-ciyaareedka soo aadan ayaa ooda laga rogi doonaa galabnimo Sabti ah 28-ka August isagoo lasoo afjari doono Axad 22-ka May sanadka inasoo haya ee 2011-ka hadii Alle ka dhigo, sidaan soo sheegayna waxaa jiri doona waxyaabo badan oo ka duwan wixii lagu yaqaaney Serie A-da, waxaana jiri doona kulamo la ciyaari doono 12:00 ama lixda duhurnimo iyo 15:00 ama sagaalka galabnimo.

Waxaa sidoo kale jiri doona 4 jeer oo bartamaha todobaadka (Mid week) la ciyaari doono horyaalka Serie A-da kuwaasoo kala ah 10-ka November, 2-da Feberaayo, 2-da Maarso oo la wada ciyaari doono fiidnimo Arbaco ah marka laga reebo 6-da Janaayo oo hal kulan la ciyaari doono 12:00 duhurnimo iyo inta soo hartay oo kubadooda la laadi doono 15:00 galabnimo.

Waxyaabaha kale ee xiisaha badan ayaa noqon doona in xilli-ciyaareedka soo aadan 12:00 duhurnimo la ciyaari doono kulan lasoo hor mariyay Axad kasta, iyo kulan kale oo ay Jimcaha ciyaari doonaan kooxaha ka qayb gelaya tartamada Yurub mid ama laba ka tirsan si ay waqti ugu helaan isu diyaarintooda jireed ee tartamadaasi, inkasta oo aan waxba laga bedelin doonin kulamada kale ee la cayaari jirey Sabtiyada iyo Axaddaha, marka wuxuu noqon doonaa horyaal marar kala duwan la ciyaaro.

Kooxaha Sanadkan ka qayb qaadan doona horyaalka ee 20-ka ah ayaa noqon doona:-

Bari, Bologna, Brescia, Cagliari, Catania, Cesena, Chievo, Fiorentina, Genoa, Inter, Juventus, Lazio, Lecce, Milan, Napoli, Palermo, Parma, Roma, Sampdoria, Udinese.

Waxyaabaha Cusub ee xilliga 2010-11 ayaa sidoo kale waxaa laga xusi karaa isbedelka ku dhacay waaxaha tababarka kooxaha iyadoo ay kooxaha waaweyn ee Juve, AC Milan iyo Inter ay tababarayaashoodii bedeleen, balse iyaga oo qura maahee xitaa kooxaha kale ayaa sameeyey isbedello noocaas ah adigoo ka qalin daaran kara marka aad aragto in 9 kooxood oo qur ihi ay haystaan tababarihii sanadkii hore laylinaayay.

Waxaa jirta arin kale oo cajiib ah, Waxaana tababarayaasha saaran xil gaar ah marka ay timaado CV-yadooda oo maran waayo dhamaan 20-ka tababare ee sanadkan kursiga kaydka u fadhin doona kooxaha Serie A-da Talyaaniga midkoodna horay uguma guuleysanin Scudetaha Talyaaniga ee 3-da midab leh.

Hadaba waa kan isku aadkii oo dhamaystiran:

Todobaadka 1-aad
29/8/10 and 16/1/11
Bari-Juventus
Bologna-Inter
Chievo-Catania
Fiorentina-Napoli
Milan-Lecce
Palermo-Cagliari
Parma-Brescia
Roma-Cesena
Sampdoria-Lazio
Udinese-Genoa

Todobaadka 2-aad
12/9/10 and 23/1/11
Brescia-Palermo
Cagliari-Roma
Catania-Parma
Cesena-Milan
Genoa-Chievo
Inter-Udinese
Juventus-Sampdoria
Lazio-Bologna
Lecce-Fiorentina
Napoli-Bari

Todobaadka 3-aad
19/9/10 and 30/1/11
Bari-Cagliari
Cesena-Lecce
Chievo-Brescia
Fiorentina-Lazio
Milan-Catania
Palermo-Inter
Parma-Genoa
Roma-Bologna
Sampdoria-Napoli
Udinese-Juventus

Todobaadka 4-aad
22/9/10 and 2/2/11
Bologna-Udinese
Brescia-Roma
Cagliari-Sampdoria
Catania-Cesena
Genoa-Fiorentina
Inter-Bari
Juventus-Palermo
Lazio-Milan
Lecce-Parma
Napoli-Chievo

Todobaadka 5-aad
26/9/10 and 6/2/11
Bari-Brescia
Catania-Bologna
Cesena-Napoli
Chievo-Lazio
Fiorentina-Parma
Juventus-Cagliari
Milan-Genoa
Palermo-Lecce
Roma-Inter
Sampdoria-Udinese

Todobaadka 6-aad
3/10/10 and 13/2/11
Bologna-Sampdoria
Chievo-Cagliari
Fiorentina-Palermo
Genoa-Bari
Inter-Juventus
Lazio-Brescia
Lecce-Catania
Napoli-Roma
Parma-Milan
Udinese-Cesena

Usbuuca 7-aad
17/10/10 and 20/2/11
Bari-Lazio
Brescia-Udinese
Cagliari-Inter
Catania-Napoli
Cesena-Parma
Juventus-Lecce
Milan-Chievo
Palermo-Bologna
Roma-Genoa
Sampdoria-Fiorentina

Todobaadka 8-aad
24/10/10 and 27/2/11
Bologna-Juventus
Chievo-Cesena
Fiorentina-Bari
Genoa-Catania
Inter-Sampdoria
Lazio-Cagliari
Lecce-Brescia
Napoli-Milan
Parma-Roma
Udinese-Palermo

Todobaadka 9-aad
31/10/10 and 6/3/11
Bari-Udinese
Brescia-Napoli
Cagliari-Bologna
Catania-Fiorentina
Cesena-Sampdoria
Genoa-Inter
Milan-Juventus
Palermo-Lazio
Parma-Chievo
Roma-Lecce

Todobaadka 10-aad
7/11/10 and 13/3/11
Bari-Milan
Bologna-Lecce
Fiorentina-Chievo
Inter-Brescia
Juventus-Cesena
Lazio-Roma
Napoli-Parma
Palermo-Genoa
Sampdoria-Catania
Udinese-Cagliari

Todobaadka 11-aad
10/11/10 and 20/3/11
Brescia-Juventus
Cagliari-Napoli
Catania-Udinese
Cesena-Lazio
Chievo-Bari
Genoa-Bologna
Lecce-Inter
Milan-Palermo
Parma-Sampdoria
Roma-Fiorentina

Todobaadka 12-aad
14/11/10 and 3/4/11
Bari-Parma
Bologna-Brescia
Cagliari-Genoa
Fiorentina-Cesena
Inter-Milan
Juventus-Roma
Lazio-Napoli
Palermo-Catania
Sampdoria-Chievo
Udinese-Lecce

Todobaadka 13-aad
21/11/10 and 10/4/11
Brescia-Cagliari
Catania-Bari
Cesena-Palermo
Chievo-Inter
Genoa-Juventus
Lecce-Sampdoria
Milan-Fiorentina
Napoli-Bologna
Parma-Lazio
Roma-Udinese

todobaadka 14-aad
28/11/10 and 17/4/11
Bari-Cesena
Bologna-Chievo
Brescia-Genoa
Cagliari-Lecce
Inter-Parma
Juventus-Fiorentina
Lazio-Catania
Palermo-Roma
Sampdoria-Milan
Udinese-Napoli

Todobaadka 15-aad
5/12/10 and 23/4/11
Catania-Juventus
Cesena-Bologna
Chievo-Roma
Fiorentina-Cagliari
Lazio-Inter
Lecce-Genoa
Milan-Brescia
Napoli-Palermo
Parma-Udinese
Sampdoria-Bari

Todobaadka 16-aad
12/12/10 and 1/5/11
Bologna-Milan
Brescia-Sampdoria
Cagliari-Catania
Genoa-Napoli
Inter-Cesena
Juventus-Lazio
Lecce-Chievo
Palermo-Parma
Roma-Bari
Udinese-Fiorentina

Todobaadka 17-aad
19/12/10 and 8/5/11
Bari-Palermo
Catania-Brescia
Cesena-Cagliari
Chievo-Juventus
Fiorentina-Inter
Lazio-Udinese
Milan-Roma
Napoli-Lecce
Parma-Bologna
Sampdoria-Genoa

Todobaadka 18-aad
6/1/11 and 15/5/11
Bologna-Fiorentina
Brescia-Cesena
Cagliari-Milan
Genoa-Lazio
Inter-Napoli
Juventus-Parma
Lecce-Bari
Palermo-Sampdoria
Roma-Catania
Udinese-Chievo

Todobaadka 19-aad
9/1/11 and 22/5/11
Bari-Bologna
Catania-Inter
Cesena-Genoa
Chievo-Palermo
Fiorentina-Brescia
Lazio-Lecce
Milan-Udinese
Napoli-Juventus

Parma-Cagliari
Sampdoria-Roma

Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto Koronto:- XANAFI2010@hotmail.com
Gothenburg, KENYA NBI

Germany, (Dhacdooyinka) laacibkii horee kooxda Real Madrid Raul ayaa ku biiray kooxda Schalke 04 ee ka dhisan wadanka Germany, una saxiixay labo sano oo qandaraas ah.

33 jirkaan oo ka ciyaara afka hore ayaa ka tagay garoonka Bernabue isbuucii la soodhaafay, kadib lix iyo taban sano uu la joogay kooxda Real Madrid.

Raul ayaa ku baasay imtixaanka caafimadka waxaana lagu wadaa in Raul uu kooxdiisa cusub lasameyn doono tababarka.

macalinka kooxda Schalke 04  Felix Magatha aya yiri waa arin aad u fiican,  waana ku faraxsanahay in aan keeno Bundesligaha ciyaartooy aad u fiican iyo weeraryahan sumcad ku leh aduunka .

wuxuu intaa uu sii raaciye macalinka kooxda Schalke 04 , in ciyaaryaan Raul uu caawin doono kooxda.

Raul ayaa kooxdiisii hore Real madrid laqaaday sadax kamid, ah Champions Leagues iyo lix kamid,ah Liga wadanka Spain laga ciyaaro.

Ciyaaryaan kaan ayaa u saxiixay kooxdiise hore Real 323 oo gol, waxuuna  wadankiisa Spain u saftay 102 jeer una dhaliye 44 gool.

Xafiiska ciyaaraha dhacdooyinka ee Mareekanka

Author: C/CAZIIZ SHEIKH AXMED c/caziiz FANAR

Email:  XANAFI2010@hotmail.com

Minnesota, NEIROBI

England, chelsea (Dhacdooyinka) tababarah kooxda chelsea Carlo Ancelotti ayaa sheegay in Ashley in uu san meelna u soconin ayna haysan doonaan xidiga reer Egland.

tababara cusub ee kooxda real madrid aya dabajoogay ciyaaryaakaan sidii uu ku helilahaa, basle Anceloti ayaa u sheegay dhigiisa Jose mourinho in uu iska iloobo ciyaaryaankaan Ashley cole.

Ancelotii ayaa yiri Ashley waa ciyaaryaankeene kooxda chelasea qof rabo in lagado majiro ciyaaryahanka haduusan farax saneed xal ayan u helikaraa oo kaga faraxsiinkaraa ciyaaryaankaan.

waxan u sheegi karaaa sheekooyin lagu qosla ciyaaryaanka , waxaa la sii waydiiye Ancelotti sheekada uu rabi in uu u sheego ciyaaryaanka, ma aqaan balse waxaan aqaanaa sheekooyin farabadan oo lagu qoslo.

waxa kaloow sheegay tababare Ancelotti in ay rabaan in ay ku soo shartagaan xili ciyaareedka fooda nagu so haayo,  uuna yahay ciyaaryaanka ugu fiican aduunka ka ciyaarista xaga dambee bidixda.

Ancelotti aya in taa ku daray in uu Ashley ku faraxsan yahay in uu  joogo garoonka stamford bridge, sifiican ayuu u ciyaaray sanadkii la soo dhaafay.

Ancelotii ayaa la waydiiye hadii ciyaaryaankaan uu inka codsado in uu baxo maxaa ka yeleysaan, Carlo ayaa yiri taasi ma dhicidoonto mana yeeli doono.

balse taas ayaan aheyn aqbaarta uu rabo in uu ,maqlo tababaraha cusub kooxda Real madrid, mourinho oo ah macalinkii hore kooxda chelase, aya rabo in uu helo ciyaaryaankan, kadib markii uu ku hungoobay helista xidiga rer Inter milan ee Maican oo ka ciyaaro difaaca dambe.

Mourhino ayaa ku rajawayn in Ashley ay tahay waqtigii ugu haboonaa oo nolol cusub kabilaabi lahaa spain, maa, daama ay kalatageen xaaskii uu qabi jiray ciyaaryaan Ashley.

Ancelotti ayaa laba, mar laqaaday kooxdiise hore AC Milan Champions League,laga ciyaaro qaarada yurub, macalinkaa ayaa rabo in uu wax kabadalo kooxda chelsea.

sanadkii la soo dhaafay sifiican ayaan u ciyaarnay Premier League, sidoo kale waxaan leenahay awood iyo xirfad aan ku dheelo Champions League.

waxa intaa uu raacshay Anceloti in ay beentahay in Champions League, ka muhiimsanyahay Premier League, labadaba isku si ayaan u ciyaari doonaa.

chelsea aya soo xirtay raadinti ay raadineysay ciyaaryaan Benifica oo ka ciyaara qadka dhexe una dhashay wadnak Brazil.

Carvalho oo u socdo Real Madrid.

Ricardo Carvlho aya lagu wadaa in uu u wareegi doono kooxda Real Madrid ee ka disan wadanka spain.

32 labajirkaan ayaa ogalaaday in uu aado kooxda Madrid uu kaga horeeyo macalinkiisii hore kooxda chelsea, Carvalho aya yiri  in aan  ka ciyaarida wadanka spain waxay aheed riyadayda, Carvalho aya ku haminaaya in uu aado kooxda real madrid.

ciyaaryaankaan u dhashaya wadanka portugal ayaa lala xiriirinaye in uu aadi doono kooxda Inter Milan xiliga kuleelaha, balse waxay u dhawdahay in u saxiixo kooxda Real Madrid .

Carvalho ayaa yiri aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay in aan mar kale Mourhino uu maclin ii noqdo, waana tababaraha  ugu fiican aduunka.

2004  ayuu Mourhinho, la qaaday kooxda porto  Champions League , xiligaas uu Carvalho u ciyaaraaye kooxda porto.

Carvalho ayeey u muuqataa in uu aadi doono kooxda real madrid.

xafiiska ciyaaraha towfiiq  kenya.

by: C/CAZIIZ SHEIKH AXMED c/caziiz FANAX

Email: XANAFI2010@hotmail.com

Minnesota, NEIROBI

Holland, Amsterdam (Dhacdooyinka) kooxda fulham ayaa olole balaaran ugu jirta sidii ay ku heli laheed Martin Jol oo  ah  macalinka kooxda Ajax ee ka dhisan wadan holland.

london evening standard ayaa soo tabisay in Martin jol,uu u sheegay maamulka kooxda Ajax, in uu doonaayo in uu tababare cusub ka noqdo garoonka Craven Cottage ay lee dahay kooxda fulham .

shalay ayeey aheed mar kii uu sooxabay in fulham ku qabto kalsooni in ay Jol, kala wareegi doonaan kooxda Ajax.

tababarahaan u dhashay wadanka holland aya noqday macalinka kooxda Ajax sanadkii la soo dhaafay, kadib markii ay kala soo wareegeen kooxda Tottenham.

Martin ayaa yiri waan u jeedaa in kooxaha kala du,wan ee qaarida yurub in ay gadanayaan ciyaartooy, balse ay aad ugu adagtahay kooxda Ajax in ay soo iibsato ciyaaryahano.

Ajax ayaa lasoo daristay dhaqaalo xumo, taas oo keentay in Ajax laga waayo suuqyada kala iibsiga ciyartoyda.

isbuuc lasoo dhaafay aya hugaamiyaha kooxda fulham sheegay in uu ka dhaadhicin doono martin in uu sidii u imaalahaa kooxda fulham.

ajax ayaa ciyaar saaxiibtinimo laciyaartay kooxda chelsea jimcihii la soo dhaafay,fulham ayaa is ku qaban qaabineesa ciyaaro saxiibtinimo ay la yeelan doonaa qamiista kooxda ka dhisan wadanka Swedish ee la yiraahdo Halmstad.

fulham ayaa ku raja weyn in ay hesho tababare Martin Jol.

xafiiska wararka http://www.towfiiq.wordpress.com ee kenya

qalinka  maryan c/salaan

by: Author c/caziiz  ShEiKh  AxMeD

Email: xanafi2010@hotmail.com

holand  maryan c/salaan  emel  ruuney149@hotmal.com

  1. Leave a comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: